» Al-Shabaab oo war ka soo Saartay Qaraxii idsmiidaaminta aha ee ka Dhacay Belad-weyne?
Monday, January 22nd, 2018

Al-Shabaab oo war ka soo Saartay Qaraxii idsmiidaaminta aha ee ka Dhacay Belad-weyne?

Al-Shabaab ayaa sheegatay masuuliyada qaraxiii ismaadaaminta ahaa ee maanta duhurnimadii ka dhacay magaalada B/weyne ee gobolka Hiiraan.

Qaraxan ayaa waxaa fuliyey nin soo xirtay jaakadaha qarxa oo isku qarxiyey maqaayad ku taalla afaafka hore ee xarunta maamulka Hiiraan.

Al-shababa sheegay inay waxyeelo ku gaarsiiyeen masuuliyiin ka tirsan Maamulka gobolka Hiiraan iyo Ciidamo ka tirsanaa dowlada

Qoraal oo ay ku soo qoreen baraha ay ku leeyihiin Internet-ka ayaa waxay ku qoreen in qaraxaasi ay ku dileen 6 Askari oo Saddex ka mid ah ay yihiin Ciidamada Jabuuti oo ka mid ah kuwa AMISOM sida ay hadalka u dhigeen.

Hase ahaatee Masuuliyiin ka tirsan Maamulka Gobolka Hiiraan ayaa waxay Warbaahinta u sheegeen in qaraxas uusan geysan khasaaro aad u weyn marka laga reebo dhimashada 2 Ruux iyo dhaawaca 15 kale.

Nagala Soo Xiriir

Hordhac24@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *