» Dowladda Farmaajo oo Kasoo Horjeysatay Qorshe Ay Wado IGAD?
Thursday, February 22nd, 2018

Dowladda Farmaajo oo Kasoo Horjeysatay Qorshe Ay Wado IGAD?

Dowladda Federaalka Soomaliya ayaa kasoo horjeysatay qorshe urur Goboleedka IGAD uu wado oo ah in la furo Xuduudaha dalalka Ururka Kamidka ah.

Taliyaha Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyada Soomaaliya Col. Maxamed Aadan Jimcaale (Koofi) oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in qorshahaas dowladdda ay kasoo horjeysatay.

Waxa uu sheegay in xiligaan Soomaaliya aysan joogin waqti la furo Xuduudaha sababo dhowr ah oo dalka ka jira, uu ugu horeeyo dhinaca amniga xaduudaha, iyo xaduudaha aan laheyn ciidamo ka howlgala.

Sidoo kale waxa uu sheegay inaysan aqbali karin qorshahaan, oo ay hormuudka tahay Dowladda Itoobiya oo muran Xuduudeed uu kala dhexeeyo.

Arintaan ayaa kusoo beegmaysa xili maanta Magaaladda muqdisho lagu soo gaba-gabeyn doono shir loogu hadlaayo Xuduudaha dalalka Ururka Kamidka ah, iyo sidii la iskugu furi lahaa, iyadoo aan muwaadiniinta dalalkaas la weydiineenin dal ku galka ama (Viisaha).

Warbixino Cusub iyo Warar DegDeg Ah: https://goo.gl/cfDFHY

Nagala Soo Xiriir

Hordhac24@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *