» Mas’uul Ka Tirsan Dowladda oo Lagu Dhaawacay Muqdisho!
Thursday, February 22nd, 2018

Mas’uul Ka Tirsan Dowladda oo Lagu Dhaawacay Muqdisho!

C/llaahi C/kariin Maxamed (Xiirey) oo ah Agaasimaha Waaxda Xiriirka Gobolada ee Wasaaradda Dhalinyarada iyo Ciyaaraha ayaa xalay lagu dhaawacay Magaaladda Muqdisho ee Caasimadda Soomaliya.

Dhaawaca mas’uulka waxaa ka dambeeyay askari ka tirsan Ciidamada Dowladda Soomaliya, kadib markii ay isku khilaafeen goob gawaarida la dhigto oo ku taala Xarunta beerta Nabadda ee Magaaladda Muqdisho.

Muran kadib askariga ayaa la sheegay in C/laahi uu 3-xabood kaga dhuftay Caloosha,waxaana haatan lagu daweynayaa Dhaawiciisa isbitaalka Digfeer ee Magaalada Muqdisho.

Dhanka kale Mas’uuliyiinta Wasaaradda Dhalinyaradda iyo Ciyaaraha Dowladda Federaalka Soomaliya ayaa  arinkaan ka hadlay, waxa ayna sheegeen in sharciga lala tiigsan doono askarigii ka dambeeyay falkaan.

Warbixino Cusub iyo Warar DegDeg Ah: https://goo.gl/cfDFHY

Nagala Soo Xiriir

Hordhac24@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *