» DHAGEYSO:Farmaajo oo Markii ugu Horeesay la kulmaya Muuse Biixi ?
Thursday, February 22nd, 2018

DHAGEYSO:Farmaajo oo Markii ugu Horeesay la kulmaya Muuse Biixi ?

Wasiirka arrimaha dibadda ee maamulka Somaliland, Sacad Cali Shire, oo Shir Jaraa’id ku qabtay magaalada Hargeysa ayaa sheegaya in dalka Jabuuti dhawaan ku kulmayaan Madaxweynaha Soomaaliya iyo kan Maamulka Somaliland .

Waxa uu sheegay Wasiir Sacad Cali Shire kulanka labada masuul oo ah kii ugu horeeyay in uu  horu dhac u yahay wadahadalada Soomaaliya iyo maamulka Somaliland oo la filayo in dib loo amba qaado .

Dowlada Soomaaliya ayaan wali ka hadlin warkan kasoo baxay maamulka Somaliland ee ku aadan in dalka Jabuuti ku kulmaaan Madaxweynaha Dowlada Soomaaliya iyo Madaxweynaha maamulka Somaliland.

Wadahadaldii u dhaxeeyay Dowlada Soomaaliya iyo maamulka Somaliland ayaa hakad galay, waxaana la filayaa in wadahadalaasi ay dib u furmaan labada dhinacna ku shiraan dalka dibadiisa.

Warbixino Cusub iyo Warar DegDeg Ah: https://goo.gl/cfDFHY

Nagala Soo Xiriir

Hordhac24@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *