» Axmed Cali Daahir iyo Fahad Yaasiin oo Ku Lug Yeeshay Weerarkii C/raxmaan C/Shakuur
Monday, January 22nd, 2018

Axmed Cali Daahir iyo Fahad Yaasiin oo Ku Lug Yeeshay Weerarkii C/raxmaan C/Shakuur

Xisbiga Wadajir ayaa maanta soo bandhigay Magacyada Taliyayaasha iyo Saraakiishii ka danbeysay weerarkii lagu qaaday xaruntooda.

Kamaal Daahir Guutaale Gudoomiyaha Xisbiga Wadajir ayaa sheegay iney maanta gudbiyeen Dacwad ka dhan ah Xeer ilaaliyaha Guud ee Qaranka Dr Axmed Cali Daahir oo ay ku eedeeyeen inuu fududeeyay Weerarkii lagu soo qabtay Siyaasiga C/raxmaan C/Shakuur Warsame.

Sidoo kale xibsiga ayaa gudbiyay Dacwad ka dhan ah Agaasimaha Madaxtooyada Somaliya Fahad yaasiin Xaaji Daahir oo isna ku eedeysan inuu lahaa abaabulka lagu soo xiray Madaxda Xisbiga Wadajir.

Magacyada Taliyayaasha iyo Saraakiishii hogaamineysay Weerarka lagu qaaday Xarunta Xisbiga Wadajir; ayaa kala ahaa

  • C/Qaadir Maxamed Nuur Jaamac Kusimaha Taliyaha Nabad Sugida Somaliya,
  • Saadaq Cumar Xasan (Saadaq Joon), Taliyaha Nabad Sugida Gobolka Banaadir,
  • C/Xakiin Nuur Ciise Sarkaal NISA arimaha Dibeda, Yaasiin ganeey iyo
  • Faarax Maxamuud Qaaroole oo Saraakiisha NISA Kamid ah.

Dhanka kale Gudoomiyaha Xisbiga Wadajir  Kamaal Guutaale ayaa usoo jeediyay in xilalka laga qaado Saraakiisha iyo Masuuliyiinta kale ee soo eedeeyeen inta ay socoto baarista dacwadaha ay ka soo gudbiyeen.

Nagala Soo Xiriir

Hordhac24@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *