» DHAGEYSO:Juxa:“Koox iyo Shaqsi Kaliya Dalkaan Waxba Kama Qaban Karaan”
Monday, January 22nd, 2018

DHAGEYSO:Juxa:“Koox iyo Shaqsi Kaliya Dalkaan Waxba Kama Qaban Karaan”

Wasiirkii hore ee Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u Heshiisiinta Xukuumadda Raisulwasaare Xasan Cali kheyre  Cabdi Faarax Saciid (Juxa) oo maanta xilka wareejiyay ayaa sheegay Soomaaliya siyaasad ahaan meel fog laga yimid, islamarkaana loo baahan yahay talo wadaag iyo isu dulqaadasho.

Waxa uu sheegay Juxa in dalka uu dhaqaale ahaan uu sabool yahay, islamarkaana kalsoonida shacabka ay kala daadsan tahay.

Sidoo kale waxa uu sheegay in koox kaliya iyo shaqsi kaliya aanay xaalada dalka wax ka qaban karin.

Raisulwasaare Xasan Cali kheyre ayaa 4-tii bishaan Xilkii ka qaaday Cabdi Faarax Saciid Juxa oo ahaa Wasiirkii Arrimaha Gudaha,waxaana booskiisa loo magacaabay Cabdi Maxamed Sabriye.

Nagala Soo Xiriir

Hordhac24@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *