» Feysal Waraabe:-“Farmaajo iyo Gaas ayaa Hurinaya Colaada Gobolka Sool”,
Monday, January 22nd, 2018

Feysal Waraabe:-“Farmaajo iyo Gaas ayaa Hurinaya Colaada Gobolka Sool”,

Gudoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah UCID ee Somaliland Faysal Cali Waraabe ayaa ka hadlay dagaal shalay ciidamada Somaliland iyo Puntland ku dhexmaray deegaano ka tirsan Gobolka Sool.

Feysal ayaa sheegay in ciidamada Somaliland ay qaadeen tilaabo horay loogu baahnaa,isagoona sheegay in Puntland ay dhibaato ku haysay shacabka deegaankaas.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo) oo haatan booqasho ku jooga Puntland iyo madaxweynaha Puntland C/wali Gaas ayuu sheegay in ay hurinayaan colaad ka dhacda Gobolka Sool,islamarkaana ay dusha saaran doonaan wixii ka yimaada.

Ciidamada Somaliland ayaa shalay dagaal kula wareegay deegaanka Tukaraq ee gobolka Sool, waxaana Puntland ay ku dhawaaqday dagaal ka dhan ah Somaliland.

Nagala Soo Xiriir

Hordhac24@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *