» DHAGEYSO:Maxaa Loo Magacaabi La’ Yahay Taliyayaasha Nabad Sugida iyo Booliska?
Monday, January 22nd, 2018

DHAGEYSO:Maxaa Loo Magacaabi La’ Yahay Taliyayaasha Nabad Sugida iyo Booliska?

Raisulwasaaraha Xukuumadda federaalka Soomaliya Xasan Cali Kheyre ayaa ka hadlay sababta loo magacaabi la’ yahay taliyayaasha Nabad Sugida iyo Booliska Soomaliyeed.

Waxa uu sheegay in ka Xukuumadd ahaan ay wadaan qorshe ku aadan in la helo mas’uuliyiin ku haboon shaqada taliyayaasha Nabad Sugida iyo Booliska Soomaliyeed, xili dalka ay ku sugan yihiin rag shaqadas qaban kara.

Taliyayaashii hore ee Nabad Sugida iyo booliska Soomaliyeed C/laahi Maxamed Cali Sambalooshe iyo Jeneraal Saacid ayaa xilalka laga qaaday sanadkii aynu soo dhaafnay ee 2017-kii kadib markii ay ku fashilmeen sugida amniga dalka, iyo ka hortaga kororka qaraxyadda ay geystaan Maleeshiyaadka Al-shabaab.

Nagala Soo Xiriir

Hordhac24@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *