» DHAGEYSO:Khilaafka Guddoonka Labada Aqal ee Dowladda Farmaajo oo Gaaray Heerkii ugu Sareeyay?
Monday, January 22nd, 2018

DHAGEYSO:Khilaafka Guddoonka Labada Aqal ee Dowladda Farmaajo oo Gaaray Heerkii ugu Sareeyay?

Khilaaf iyo loolan dhanka awoodda ah ayaa ka soo if baxay Guddoonka Labada Gole ee Golaha shacabka iyo Aqalka sare ee Baarlamaanka Federaalka, iyadoo markii u horeysay uu Aqalka sare uu shaaciyay inuu mugdi ku dhex jiro wada shaqeyn dhex marta labada gole.

Guddoomiyaha Aqalka sare Cabdi xaashi Cabdullaahi ayaa ka soo hor-jeestay kulan lagu wado in dhowaan magaalada Baydhabo ay ku yeeshaan Guddoomiyeyaasha Golayaasha sharci dejinta ee dowlad goboleedyada, kaasoo uu qaban qaabinayo Golaha shacabka.

Warqad qoraal ah uu Guddoomiyaha Aqalka sare uu u kala diray Madaxweynayaasha Maamul goboleedyada, Guddoomiyeyaasha Baarlamaanada dowlad goboleedyada, laguna ogeysiiyay Madaxweynaha iyo Guddoomiyaha Golaha shacabka ayaa lagu dalbaday in la joojiyo shirka lagu qaban doono magaalada Baydhabo, kaasoo lagu tilmaamay mid lagu bur burinayo laguna kala dhantaalayo nidaamka federaalka.

Waxaa la faray Guddoomiyeyaasha Baarlamaanada dowlad goboleedyada in aanay ka qeyb gelin shirka ka dhici doona magaalada Baydhabo

Qoraalka oo ahaa mid kulul ayaa lagu sheegay in Golaha shacabka uu u shaqeynayo sidii Baarlamaankii 9aad, xilligaasoo aanu dhisneyn Golaha Aqalka sare, sidaas darteed waxaa lagu wargeliyay Aqalka sare inuu u xil saaran yahay matalaada dowlad goboleedyada, ahna gole ilaaliya ku dhaqanka iyo xoojinta nidaamka federaalka

Ugu dambeyn waxaa Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo lagu wargeliyay inuu si dhow ula socdo wadashaqeynta Labada Gole oo lagu xusay inuu mugdi ku dhex jiro, tan iyo markii la aas aasay Aqalka Sare.

Nagala Soo Xiriir

Hordhac24@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *