» Askari Ka Tirsaaa Dowladda Soomaliya oo Loo Dilay Xabad Sigaar ah!!
Thursday, December 14th, 2017

Askari Ka Tirsaaa Dowladda Soomaliya oo Loo Dilay Xabad Sigaar ah!!

Wararka ka imaanaya Degmadda Baraawe ee Gobolka Shabeelaha Hoose ayaa ku waramaya in askari ka tirsan Ciidamadda Amniga Degmadaas uu xabad sigaar ah uu u dilay askari kale kadib markii ay murmeen.

Dadka deegaanka Baraawe ayaa warbaahinta u sheegay in askari ka tirsan Ciidamada Dagmadaasi uu toogtay Askari kale kadib markii ay ku murmeen Xabad sigaar ah oo mid ka mid ah uu ka soo iibsaday goob ganacsi oo ka ag-dhaweyd bar-kantarool oo askartaas ay ku sugnaayeen.

Wararka ayaa intaas kusii daraya in uu goobta ka baxsaday askariga dilka geystay asaga oo ku hubeysan qorigii uu dilka ku geystay.

Nagala Soo Xiriir

Hordhac24@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *