» War Cusub:Mukhtaar Roobow oo shaaciyay inuusan isku Dhiibin Dowladda Farmaajo?
Friday, December 15th, 2017

War Cusub:Mukhtaar Roobow oo shaaciyay inuusan isku Dhiibin Dowladda Farmaajo?

Sheekh Mukhtaar Roobow Cali (Abuu Mansuur) ayaa diiday in loogu yeero ereyga ah Inuu isu soo dhiibay dowladda Soomaliya.

Kulan uu la yeeshay wariyayaasha Magaaladda Baydhabo ayuu Sheekh Roobow ku amray inaysan u adeegsan magaciisa inuu isu soo dhiibay dowladda Soomaliya.

Kulanka Sheekh Mukhtaar Roobow iyo suxufiyiinta Baydhaba ayaa ka dhacay xarunta Madaxtooyada, iyadoo markii hore loo maleynayay inuu qabanayo shir jaraa’id laakiin suxufiyiinta marki ay tageen xarunta madaxtooyada koonfur Galbeed duhurkii kadib ayna ku arureen goobtii uu ku sugnaa Roobow ayaa laga damiyay Telefoonadooda.

Sheekh Roobow ayaa ka dalbaday suxufiyiinta in qalabka warbaahinta aysan u adeegsan “Roobow oo Dowladda isku soo dhiibay” balse taas bedelkeeda ayuu sheegay in Dowladda uusan isku soo dhiibin ee uu ku yimid wadahadal.

Kulankii suxufiyiinta Magaladda Baydhabo ee Gobolka Baay iyo Sheekh Mukhtaar Roobow ayaa sidaasi ku soo dhammaaday isagoo u sheegay in wixii kale uu dib kala soo xiriiri doono.

Nagala Soo Xiriir

Hordhac24@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *