» DHAGEYSO:Maxaa Kala Socotaa Ujeedada Hoose Ee Abuu Mansuur Ku Tagay Baydhabo?
Thursday, December 14th, 2017

DHAGEYSO:Maxaa Kala Socotaa Ujeedada Hoose Ee Abuu Mansuur Ku Tagay Baydhabo?

Sheekh Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur ayaa maanta oo jimco ah gaaray magaalada Baydhabo ee Gobolka Baay, halkaasoo si weyn loogu soo dhoweeyay.

Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Koofur Galbeed oo uu horkacayay Wasiirka Warfaafinta Ugaas Xasan Cabdi, qeybaha kala duwan ee bulshada oo watay sawirkiisa ayaa soo dhoweeyay wadaadka.

Sheekh Mukhtaar Roobow ayaa xubnaha la socday ka mid ahaa Wasiirkii hore ee Gaashaandhigga C/rashiid C/llaahi iyo xubno kale, waxaana ay ka soo kicitimeen degmada Xudur oo labadii maalmood ee la soo dhaafay ku sugnaayeen.

Wasiirka Warfaafinta Koofur Galbeed ayaa sheegay in Sheekh Mukhtaar Roobow uu maalmahan joogi doono Baydhabo, lana kulmi doono Maamulka Koofur Galbeed iyo qeybaha kala duwan bulshada.

Nagala Soo Xiriir

Hordhac24@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *