» DHAGEYSO:Mid kamid ah Golaha Wasiirada cusub ee Hirshabelle oo is casilay?
Friday, December 15th, 2017

DHAGEYSO:Mid kamid ah Golaha Wasiirada cusub ee Hirshabelle oo is casilay?

Wasiiru Dowlaha Wasaarada Boostada iyo Isgaarsiinta Hir-Shabeelle Ismaaciil Maxamed Culusow oo ka mid ahaa liiska golaha wasiirada ee maanta loogaga dhawaaqay magaalada Jowhar ayaa sheegay inuu iska casilay xilka loo magacaabay.

Ismaaciil Maxamed Culusow ayaa sheegay inaan lagala tashan xilka uu Madaxweynaha Hirshabelle uu u magacaabay oo ah Wasiiru Dowlaha Boostada iyo Isgaarsiinta.

Ku dhowaaqista is casilaada ayaa noqonaysa tii ugu horeysay ee uu ku dhowaaqo mid kamid ah golaha wasiirada cusub ee Hirshabelle.

Madaxweyne Waare ayaa magacaabay gole wasiir oo ka kooban 57 xubnood, iyadoo aanay ku jirin Wasaaradda Haweenka oo aanay wali cidna loo magacaabin.

Hoose ka DHAGEYSO Magacyada Waziirada Cusub

Nagala Soo Xiriir

Hordhac24@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *