» Natiijooyin Hordhac ah oo ka soo Baxaya Tirinta Codadka Doorashada Somaliland+Yaa ku Horeeya?
Tuesday, November 21st, 2017

Natiijooyin Hordhac ah oo ka soo Baxaya Tirinta Codadka Doorashada Somaliland+Yaa ku Horeeya?

Waxaa socota tirinta codadkkii laga dhiibtay doorashada shalay ka dhacday degaanada Somaliland, iyadoo ay soo baxayaan natoojiyin hordhac ah oo ku saabsan doorashadaas.

Guddida doorashada Somaliland oo warbaahinta kula hadlay Hargeysa ayaa sheegay in sanaadiiqdii codbixintu ay soo wada gaareen goobihii degmooyinka, isla markaana ay socoto tirinta codadku, marka laga reebo Hargeysa.

Guddoomiyaha guddigaas Cabdiqaadir Iimaan Warsame iyo Afhayeenka Siciid Cali Muuse oo warbaahinta la hadlay ayaa sidoo kale bulshada uga digay faafinta warar aanay hubin oo natiijada la xiriira.

Waxay intaa ku dareen in doorashada guud ahaan ay si wanaagsan u qabsoontay, aysana jirin illaa hadda cabashooyin guddiga soo gaaray.

Dhinaca kale, Shir jaraa’id oo ay ku qabteen magaalada Hargeysa kormeerayaal caalami ah oo goob joog ka ahaa doorashadii shalay ka dhacday Somaliland ayaa waxay sheegeen in goobaha  doorashada qaarkood ay ka jireen qaladaad yar yar oo aan saameyn badan laheyn, balse doorashada ay u dhacday si wanaagsan.

Goobjoogayaasha ayaa waxa ay sheegeen inay booqdeen boqolaal goobood oo codadka laga dhiibanayay ayna ku arkeen dad aan da’ ahaan codeynta aan gaarin oo cod dhiibanaya.

Safiirka Midowga Yurub u qaabilsan Soomaaliya Veronique Lorenzo oo waraysi lala yeeshay intii aanay maanta ka amba-bixin Hargeysa, waxay sheegtay in doorashada ka dhacday Somaliland ay tahay tallaabo hore loo qaaday.

Inkastoo ay aad u xadidan yihiin wararka laga helayo tirinta codadka ayaa haddana ilo wareedyo lagu kalsoonaan karo waxay sheegeen in codadka illaa hadda la tiriyey uu ku horeeyo Muuse Biixi oo ah musharaxa xisbiga talada haya ee Kulmiye, waxaana ku xiga Cabdiraxmaan Cirro oo isna ah musharaxa xisbiga Waddani, iyadoo Faysal Cali Waraabe oo matalaya xisbiga UCID uu helay codadka ugu yar, natiijooyinkana way isbedeli karaan maadaama ay weli socoto tirinta codadka.

Nagala Soo Xiriir

Hordhac24@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *