» DHAGEYSO:Xaggee Ku Dambeeyay Kiiskii C/kariin Qalbi-dhagax?
Monday, November 20th, 2017

DHAGEYSO:Xaggee Ku Dambeeyay Kiiskii C/kariin Qalbi-dhagax?

Guddoonka Golaha shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaliya ayaa waxa uu maanta Guddigii loo xilsaaray kiiskii C/Kariin Sheekh Muuse Qalbi-dhagax oo ah Sarkaal ka Tirsan jamhadda ONLF waxa uu weydiiyay halka uu ku dambeeyay baaritaankii loo saaray.

Guddoomiyaha guddigaas oo maanta ka maqnaa madasha kulanka ayaa waxaa beddelkiisa hadlay Wasiirkii hore ee amniga gudaha Xukuumadii hore C/risaaq Cumar Maxaned.

Waxa uu sheegay C/risaaq in howsha guddiga ay wali socoto islamarkaana maalmaha soo socota ay Golaha shacabka baarlamanka federaalka Soomaliya hor keeni doonaan natiijada Guddigooda u soo baxday.

Intaas kaddib Gudoomiyaha Golaha shacabka baarlamanka Soomaliya Maxamed Sheekh Cismaan (Jawaari) ayaa ilaa sabtiga dambe siiyay Guddiga,waxaana uu ugu baaqay in kama dambeys ay Sabtiga soo socda natiijada baaritaankooda la wadaagaan Golaha shacabka.

Dowladda Federaalka Soomaliya ayaa Ethopia u gacan galisay 27-kii Bishii August ee sanadkan C/Kariin Sheekh Muuse Qalbi-dhagax  oo ah Sarkaal ka Tirsan jamhadda ONLF, waxaana arintaas ka xumaaday shacabka Soomaliyeed.

Nagala Soo Xiriir

Hordhac24@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *