» DHAGEYSO:Waa Sidee Xaaladda Amni ee Garoonka Aadan Cadde ?
Tuesday, November 21st, 2017

DHAGEYSO:Waa Sidee Xaaladda Amni ee Garoonka Aadan Cadde ?

Maalmihii la soo dhaafay Idaacadaha qaar ee Muqdisho ka howlgalla waxa ay baahinayeen in Shaqadii Garoonka Diyaaradaha Aadan-Cadde ee Magaalada Muqdisho intooda badan ay hakad u gashay Sababo dhanka amniga ah.

Inta badan waxaa laga hadlayay in ay jiraan qaraxyo laga cabsiqabo in ay Garoonka ka geystaan Al-Shabaab iyaga oo adeegsanaya Gawaari ay ka qabsadeen Ciidamada AMISOM balse waxaa Wararkaas oo dhan Maanta beeniyay Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo duulista Hawada Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Xasan.

Shir Jaraa’id ayuu Maanta Warbaahinta Muqdisho ugu qabtay, waxa uuna sheegay in aan waxba ka jirin wararkaas sheegaya in Shaqada Garoonka ay hakad gashay.

Nagala Soo Xiriir

Hordhac24@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *