» Kulankii Xalay Madaxweyne Farmaajo & Xildhibaanada Beesha Absame?
Monday, January 22nd, 2018

Kulankii Xalay Madaxweyne Farmaajo & Xildhibaanada Beesha Absame?

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/laahi Farmaajo ayaa xalay kulan saacado badan qaatay la yeeshay Xildhibaanada Golaha shacabka ee ka soo jeeda Beesha Absame, Wuxuuna ka dhageystay talooyinka iyo aragtida Xildhibaanada, isgaoo weydiinayay xalka meesha uu ku jiro.

Qaar ka mid ah Xildhibaanada ayaa ku dooday in go’aanka Golaha Wasiirada ka qaateen arrinta C/kariin Qalbi Dhagax uu yahay mid aan la aqbali karin.

Sidoo kale Xildhibaanada ayaa shuruudo adag hor-dhigay Madaxda dowladda, kaasoo ka mid ahaa in laga laabto qodobo ka mid ah go’aanadii Golaha Wasiirada oo ay sheegeen inuu yahay Soomaali kala geyneysa.

Mid ka mid ah Xildhibaanadii kulanka ka qeyb qaatayayaa u sheegay in Madaxweynaha ay la wadaageen dareenkooda, isagoo xusay in arrintan ay tahay mid u taalo Baarlamaanka.

Xildhibaanada Beesha Absame ayaa aad uga careysan go’aankii Xukuumadda qaadatay, iyagoo diiday xal ka gaarista arrintan iyo in xiisada dejiyaan, Waxaana sidoo kale Jira  Xubno siyaabo kala duwan iyo Dano gaar ah uga Faa’iidaysanaya.

Wararka qaar ayaa sheegaya in Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe uu la soo xiriiray Xildhibaanada, si arrintan xal looga gaaro, loona dhameeyo.

Nagala Soo Xiriir

Hordhac24@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *