» DHAGEYSO XOG: Farmaajo, kheyre & Fahad Yaasiin oo kulan Degdeg ah ka Qaatay Shirkii kismaayo kuna Balamay in…?
Wednesday, October 18th, 2017

DHAGEYSO XOG: Farmaajo, kheyre & Fahad Yaasiin oo kulan Degdeg ah ka Qaatay Shirkii kismaayo kuna Balamay in…?

Madaxda Maamul Goboleedyada Soomaaliya ayaa shalay war murtiyeed culus kasoo saaray Shirkii uga socday Magaalada Kismaayo ee Xarunta Maamulka Jubblanad.

Madaxda Maamul Goboleedyada ayaa u muuqday inay isi siiyeen awood dheeri ah kadib markii ay soo saareen qodobo aysan qaarkood u laheyn Sharci.

Haddaba marka uu soo baxay War murtiyeedkaas waxaa shalay ka dhacay madaxtooyadda Villa Soomaliya kulan saacado qaatay kaas oo looga doodayay sida laga yeelayo go’aanka ka soo baxay shirkii Kismaanyo, Kulankaan ayaa waxa isugu yimid Fahad Yasin, Xasan Cali Khyere iyo Farmaajo.

Sida aan xogta ku heleyno Fahad Yaasin ayaa ku adkaysatay in warmurtiyeed canaan ah la soo saaro oo loogu hanjabayo dowlad Goboleedyadda halka Kheyre ku adkeeysaty in aan loo jawaabin..

Madaxweyne Farmaajo ayaa ka baryay Fahad Yasin in uu soo saaro qoraal aan lagu soo dhawaynaynin isla markaana aan lagu diideeyinin go’aanadii ka soo baxay shirkii Kismaanyo.

Xalay fiidkii ayaa Xafiiska Madaxweyne Farmaajo soo saaray qoraal aan wax macno ah u sameeyanin umadda Soomaaliyeed, kaas oo aan taageeraynin go’aanka shirka Kismaanyo isla markaana aan diidaynin.

Nagala Soo Xiriir

Hordhac24@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *