» Mahad Salad”Madaxweyne Farmaajo waa ku fashilmay mas’uuliyadii loo igmaday”
Wednesday, October 18th, 2017

Mahad Salad”Madaxweyne Farmaajo waa ku fashilmay mas’uuliyadii loo igmaday”

Madaxweyne Farmaajo waa ku fashilmay mas’uuliyadii loo igmaday ee Goleyaasha Barlamaanka haka tashadeen sidii talada dalka loo toosin lahaa!
1. Ismaandhaafka siyaasadeed ee ka dhex jira Dowlada Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada!


2. Qabsoomida kulanka Madaxweyneyaasha Dowlad Goboleedyada iyo wartiyeedka ay soo saareen maanta iyada oo aysan joogin lagana talo gelin madaxda Dowlada Federaalka!

3. Dhacdooyinka siyaasadeed iyo kuwa amni ee maalin waliba Soomaaliya ka dhacaya iyo sida hooseysa ee madaxda qaranku ula falgalayaan!

4. Aragti la’aanta Madaxweynaha iyo lataliyeyaashiisa ee ku aadan: dhismaha ciidan qaran, tayeynta hay’adaha dowlada, baahinta xukunka ee heer gobol, heer degmo ilaa heer tuulo, dib-u-eegista dastuurka, doorashada 2020 iyo nidaamka xisbiyada badan!

Dhamaan qodobadaan iyo kuwa kale oo badanba waxay muujinayaan in Madaxweynaha Soomaaliya Mohamed Abdullahi Farmaajo uu ku fashilmay hogaaminta dalka iyo dadka Soomaaliyeed ee Goleyaasha Barlamaanka haka tashadeen sidii talada dalka loo toosin lahaa.

Hon. Mahad Salad

Nagala Soo Xiriir

Hordhac24@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *